Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kulamo kala duwan ku yeeshay Guddiyadii loo xilsaaray dhacdadii foosha xumeyd ee halkaasi ka dhacday iyo Xildhibaano,Wasiiro ka tirsan Galmudug,Bulshada Gaalkacyo iyo Ehelada dadkii laga dilay oo ka soo kala jeeday deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Guddiyada oo ka kala socday Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koofur-galbeed ayaa soo saaray War-saxaafadeed ka kooban dhowr qodob.
Warka ay soo saareen Guddiyada ayaa waxaa ay ku sheegeen inay isku raaceen xubno ka tirsan Maamulka Gaalkacyo,Xildhibaano,Wasiiro ka tirsan Galmudug,qeybaha kala duwan Bulshada iyo Ehelada laga dilay 9-kii ruux ee shacabka ahaa.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.