Iyadoo maalmihii la soo dhaafay Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland Shir wadatashi ah uga socdo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in uu fashil ku yimid.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay fashilka ku yimid shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Federaalka uga socanayay 5-10 bishan Magaalada Garoowe.
Maamulka Galmudug ayaa Dowlada Federaalka ku eedeeyay in ay ixtiraami waayeen qodobadii loo baahnaa in looga hadlo shirka ayna ku xadgudbeen sharciga doorashooyinka oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo sharciga Batroolka oo la horgeeyay Baarlamaanka iyadoo aan lagala tashan Dowlad Goboleedyada
Maamulka Galmudug ayaa intaas waxaa uu ku daray in Dowladu hor istaagtay in laga hadlo maqaamka Gobolka Banaadir iyo in ay wali faragalin joogta ah Dowladu ku heyso Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubaland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa u qornaa sidan:-