War-saxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerar gantaallo ahaa oo loo riday dhanka Magaalada Makka Al Mukarama.
Sidoo kale Xukuumadda Federaalka ayaa bogaadisay Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga,kuwaasi oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta aheyd ee la soo dhaafay.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda.