Guddiga Joogatada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulanka 3-aad ee Kal-fadhiga 7-aad ee Golaha ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Kulanka kadib Guddiga Joogatada Golaha Aqalka Sare ayaa soo saaray Baaq ku socda Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada, kaasi oo ku aadan Shirka ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa marka hore waxaa lagu bogaadiyay Dowlad Goboleedka Galmudug iyo shacabkeeda oo fidiyay gogosha Madaxda ay uga hadlayaan Arrimaha masiiriga ah ee Qaranka.
Aqalka Sare ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka uga baaqay inay isugu yimaadan wejiga saddexaad ee shirka wadatashiga, isla markaana laga shaqeyo sidii uu u qabsoomi lahaa Shirkaas, lana siiyo ahmiyad gaar ah.
Maanta oo sati ah ayuu qorshahu ahaa in wejiga saddexaad ee shirka Madaxda uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Aqalka Sare.