Magaalada Ouagadougou ee Caasimadda dalka Burkina FASO Galbeedka Afrika ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Shirka Sanadlaha ah ee Wadamada ku bahoobey Baarlamaanka Islaamka.
Shirkaan ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdi Xildhibaano ah, kuwaasi oo xalay ka ambabaxay Muqdisho.
Shirkan oo sanadkiiba mar iskugu yimaadaan Baarlamaanka Wadamada ku bahoobey OIC iyo PUIC oo sanad walba lagu qabto mid ka mid ah Caasimadaha Wadamada xubnaha ka ah Ururkan, ayaa sanadkii hore wuxuu ka dhacay CASABLANCA oo ah Caasimada Dalka MOROCCO.
Shirkan oo ah mid lagu lagu gorfeeyo laguna difaaco danaha Wadamada Dadyoowgooda Muslimiinta u badanyihiin ayaa waxaa qayb ka ah Dhamaan wadama Carbeed, qaar ka mid ah Wamada Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Qaarka mid ah Wadamada Latin-America , Dalalka Turkiga iyo Iran.