• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, June 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Akhriso:-Warbixin ku saabsan Shaqsiyadda Ergayga Gaarka ee QM u joogay Somalia oo ay DFS cayrisay

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 2, 2019
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

 

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu bishii September 12-dii ee sannadkii hore u soo magacaabay Wakiilkiisa Khaaska ee Somalia, Nicholas Haysan oo ah Diplomaasi u dhashay dalka Koonfur Afrika.

Magacaabistiisa ayaa timid, kadib, markii uu Ergaygii hore ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating oo u dhashay Britain ka degay xilkaasi.

Nicholas Haysom ayaana la wareegay xilka Ergayga Khaaska ee QM ee Somalia iyo Madaxa QM ee Hawlgalka Nabad-ilaalinta u jooga Somalia.

Markaynu yara milicsano Taariikh-nololeedka Nicholas Haysom waa 66-jir, Qareen ah oo muddo dheer ku soo jiray Hawlaha Calaamiga ee diiradda lagu saaro Dowlad Dimuqraadi, Dastuurka, Dib-u-habaynta Guddiyadda Doorashadda, Dib-u-heshiisiinta iyo hababka lagu horumariyo Nabadda.

Nicholas Haysom waxa uu Xilal iyo shaqooyin kala duwan ka soo qabtay QM iyo Dowladda Koonfur Afrika.

Muddadii u dhexeysay sannadihi 1999-kii ilaa 2002-dii waxa uu ka mid ahaa Guddigii u xil-saarnaa Wada-xajoodkii Nabadda ee dalka Burundi, wuxuuna ka soo qabtay xilka Guddoomiyaha Guddigii wada-xaajoodka ka galay Arrimaha Dastuurka ee dalkaasi.

Nicholas Haysom waxa uu ku biiray QM sannadkii 2005-tii, wuxuuna soo qabtay Xilalka ay ka midka yihiin La-taliyaha Guud ee Dhexdhexaadiyaha Dadaalkii Nabadda ee Sudan, iyo Madixii Guud ee Sharciga iyo La-taliyihii Dastuurka ee Xafiiskii Madaxweynihii geeriyooday ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mondela.

Laga soo bilaabo sannadihii 2005-tii ilaa 2007-dii, waxa uu Nicholas Haysom soo qabtay  xilalka Madixii Xafiiska Taageeradda Dastuurka ee Hawlgalkii QM ee dalka Iraq.

Sannadihii 2007-dii ilaa 2012-kii, waxa uu ahaa Agaasimaha Xafiiska Fulinta ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Siyaasadda iyo Hawlaha Samafalka.

Sannadkii 2012-kii, Xoghayihii Guud ee hore ee QM, Ban Ki-moon waxa uu Nicholas Haysom u magacaabay Ki-xigeenka Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Hawlgalkii QM ee Taageeros-iintii dalka Afganistan (United Nations Assistance Mission in Afghanistan (UNAMA) .

Sannadkii 2014-kii, waxa loo magacaabay Ergayga Gaarka ee QM ee Hawlgalkii Afganistan.

Nicholas Haysom waxaa haddana loo magacaabay Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan, wuxuuna xilkaasi hayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2016-kii.

Xilka ugu dambeeyey ee uu haatan ku magacaaban yahay ayaa ah Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Somalia, inkastoo ay DFS shalay sheegtay inuu Ergaygu faragelin ku hayo Arrimaha Daakhiliga ee Somalia, isla markaana waxaa la amray in uu joojiyo dhamaan Hawlihii uu ka waday Somalia.

Is-qoonsiga  Madaxda DFS iyo Nicholas Haysom waxaa uu salka ku hayaa Khilaaf ka dhashay Qoraal Warbixin ahayd oo uu Ergayga maalmo ka hor kaga hadlay Xarigii Mukhtaar Roobow iyo Dibadbaxayaashii bartamihii bishii hore lagu dilay Baydhabo.

Ergaygu waxa uu si gaar ah qoraalka ugu diray Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, Maxamed Abuukar Islow oo uu wax kaga weydiiyey sharci ahaanshaha Xarigii Mukhtaar Roobow iyo doorka ay Ciiddanka ay QM taageerto ku lahaayeen dilkii loo geystay dibadbaxyadii bishii hore ka dhacay Baydhabo.

Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa rumeysan inuu Ergaygu tallax-tegay, isla markaana uu si il-duufsi leh qoraalka ugu diray Wasiir Islow, halkii uu DFS ugu gudbin lahaa.

Diplomaasiyiinta ayaa iyagana u arka in Go’aankii DFS ka muuqday sal-fudeyd ama Degdeg ahaansho, maadaama ay habboonayd inay Dariiq Diplomaasiyadeed (Diplomatic Channel) oo qarsoon u maraan Go’aan-ka-qaadashadda Ergaygaasi.

Amuurtu si kastaba ha ahaatee, Ergayga QM ee Arrimaha Somalia, Nicholas Haysom waxa uu ku khasban yahay inuu u hoggaansamo Go’aanka Dowladda iyo Sifaha Diplomaasiyadeed ee ay DFS ku asteysay inaan Ergaygaasi yahay shaqsi aan laga jecleyn dalka, lana soo dhaweyn karin “Persona non-grata”.

Previous Post

Dhageyso:-Wasiiro & Xildhibaano baaq kasoo saaray dagaal beeleedyada Hiiraan iyo Galgaduud

Next Post

Dhageyso:- Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”

June 23, 2025
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
Caalamka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

June 22, 2025
Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
Warar

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

June 22, 2025
Next Post

Dhageyso:- Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

Baidoa, South West State – The Somali National Army (SNA) scored a significant victory against Al-Shabaab early Sunday morning after...

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

Algiers, Algeria – Somalia is taking part in a high-level regional summit on social and economic development in the Arab...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Arakchi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa shaaciyay...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay...

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive
English News

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria
English News

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

"Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta"

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive
  • Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
  • Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00