Ajendaha kulanka Maanta ay yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta oo arbaco ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoomin doono Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sida lagu caddeeyay farriimo loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka, Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay dhammaystirka Akhrinta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha ayaa waxaa lagu wargeliyay in Maanta oo arbaco ah uu jiro kulanka Golaha Shacabka, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan, maadaama Xildhibaanada ay horyaalan shaqooyin dhowr ah  oo laga doonayo inay qabtaan.

Kulankii maalmo kahor Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeesheen ayaa waxaa ajendihiisa ku jiray oo dib loo dhigay Ansixinta iyo dhaarinta laba xubnood ee Guddiga madax-banaan ee dib-u-eegista iyo hir-gelinta  Dastuurka, kadib markii Xildhibaano qaar ay mooshin ka keenen ansixintooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor