Somaliland oo Jawaab ka bixisay tallaabadii uu kulanka Diblumaasiyiinta uga baxay Safiir Tarsan

Somaliland ayaa ka hadashay tallaabadii uu shalay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Kenya u fadhiya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uga baxay kulan shir ay Madaxtooyada Kenya isugu yeertay Safiirada uu fadhigooda yahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin tallaabada uu Safiir Tarsan uga baxay kulan qado ah oo Madaxweyne Uhuro Kenyatta isugu yeeray Safiirada ku sugan Caasimadda Nairobi.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Safiirka Soomaaliya ee Kenya uu kulanka uga baxay sababo la xiriira xubno matalayey Somaliland oo uu ku arkay kulanka, isla markaana sidaas darteed uu uga baxay kulanka, ayna aad uga xun yihiin arrintaas.

“Xukuumada Somaliland waxay ka xumaatay talaabada uu qaaday safiirka Soomaaliya, kaasi oo si deg deg ah uga baxay kulanka qado ee dibulumaasiyadeed, kulanka waxaa qabtay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, waxaana loogu talo galay dibulumaasiyiinta Nairobi jooga” ayaa lagu yiri Qioraalka kasoo baxay Somaliland.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa tilmaamtay in tallaabada Safiir Tarsan ay muujinayso cadaawad soo jireen ah oo dowladda Soomaaliya ay Somaliland iyo dad keeda u hayso, waa sida hadalka loo dhigay.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa isaga baxay shir ay Madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay  Somaliland, waxaana  xusid mudan in Kenya ay raallin-gelin ka bixisay arrinta dhacday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor