Ahlusuna oo xirtay Taliyihii Ciidamada ilaalada Maxkamada Sare ee dalka

Wararka ay Dalsan ka heleyso Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Ahlusuna ay halkaasi ku xireen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Saraakiil Ciidan ayaa Dalsan u xaqiijiyay in Sarkaalka la xiray uu yahay Taliyaha Ciidanka ilaalada Maxkamada Sare ee dalka Laguna Magacaabo Nuur Cilmi Maxamed.

Macada sababta loo xiray Sarkaalkaan balse Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna oo ka soo horjeeda Siyaasada Dowladda ay halkaasi maamulaan isla markaana ay Xireen.

Weli madaxda Dowladda Soomaaliya kama hadlin xariga Sarkaalkaas ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ay u geesteen Ahlusuna Waljamaaca.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media