Aabe Khaliif Shire Cali ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska brisbanetimes ee ka soo baxa Australia, , kadib, markii ay Boliska dalkaasi xireen Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Cali Khaliif Shire Cali.
Aabaha oo Dareewal Taksi ah ayaa carrabka ku adkeeyey inuu Wiilkiisa marnaba ku fekerin inuu dad kale dhibaateeyo, inkastoo ay Boliska sheegeen inuu Eedeysanaha qorsheynayey inuu weerar geysto Munaasabbadda Sannadka cusub ee 2018-ka.
Eedeysanaha waxaa maanta la soo taagay Maxkamadda magaalladda Melbourne, iyadoo lagu soo oogay Isku-day Dil wadareed iyo inuu iibsan lahaa Hub sharci-darro ah.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida iyo dadka deriska la ah Qoyska Khaliif Shire Cali ayaa sheegay inaysan wax qalad ah ku arkin Qoyskaasi oo Australia degganaa 10-sanno.
Xigasho: brisbanetimes.com.au