War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Japan ayaa lagu sheegay inay Dowladda Japan ugu deeqday 4.2 million oo Dollars Gargaarka degdegga ee la siinayo dadka ku barakacay dagaalladda Yemen iyo Qaxootiga Yemeniyiinta ee ku nool dalalka Somalia iyo Jabuuti.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Kharajkaasi lagu wareejinayo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) iyo Hay’addaha Caalamiga ee Hawlaha Samafalka ka wada dalalka Yemen, Somalia iyo Jabuuti, si ay ugu taageeraan qaxootiga dhinacyadda cuntada, daawooyinka iyo qalabyadda kale ee muhiimka u ah Nolosha dadka.
Dhinaca kale, Kharajka Guud ee Dowladda Japan uga qeyb gashay Yabooha loo fidinayo dalka Yemen ayaa waxay gaarayaan 40-million oo Dollar tan iyo sannadkii 2014.
Tiro badan oo Qaxooti Yeminiyiin ah ayaa labadii bilooe ee la soo dhaafay soo gaaray magaallooyinka Muqdisho, Berbera iyo Bosaaso.
Xigasho:- KUNA