Gabdhaha Saxafiyiiinta ah waxaa lagu wargalinayaa in uu banaanyahay booska gabar Wariye ah oo karti u leh in ay ka howlgasho Qeybta Warbaahinta Haweenka Soomaaliyeed ee Bilan Media, taas oo soo saari doonta warbixino dhexdhexaad ah oo laga siideynayo TV-ga, Raadiyaha iyo qaab qoraal ah oo la daabacayo.
Haddii aad leedahay xirfadaas, sidoo kale aad heyso fikrado ayna kaa go’antahay in aad ka shaqeyso in haweenku ay soo saari karaan warbixino u wanaagsan saxaafadda Soomaaliya ayna ballaariyaan mowduucyada kala duwan ee bulshada u baahi qabto,
Si aad u codsato shaqadan fadlan soo dir CV, Warqad codsi iyo shaqooyin aad horey u qabatay oo la daabacay: [email protected]
Shaqadani waxay u furan tahay dumar oo kaliya.
Codsiga shaqo wuxuu bilaabanayaa 06 May 2025/wuxuuna ku egyahaa: 16 May 2025.
Bilan Media waa warbaahin Soomaaliyeed oo ay ka shaqeeyaan haween suxufiyiin ah, taas oo ay maalgelisay hay’adda UNDP Somalia. Bilan Media waxaa martigeliyay Radio Dalsan iyo Dalsan TV, waxayna iftiimisaa arrimaha ay haweenku danaynayaan, sidoo kalena haweenka soomaaliyeed waxa ay siisaa madal ay ku soo bandhigaan codkooda.