Guddiga Doorashada heer Federaal ee lagu muransan yahay ayaa dowlad Goboleedyada dalka u diray Habraacyada Doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo Foomamka Musharaxiinta.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa dowlad Goboleedyada dalka looga Codsaday inay si rasmi ah u bilaaban diiwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka, xili dhawaan ay soo saaren Jadwalka Doorashada.
Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashada ayaa Maamulada ugu baaqay in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen.
“Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah†ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashada heer Federaal.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sii yiri “Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay markale adkaynayaan in Madaxda iyo Barlamaannada Dowlad Goboleedyada ay kaalintooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeedaâ€.
Si kastaba maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u diiday inay soo magacaaban xubnaha laga sugayo ee ugu metelaya Guddiga Doorashooyinka, iyagoona shuruudo ku xiray, lamina oga in maamulada kale ay fulin doonaan dalabka uga yimid Guddiga Doorashada heer Federaal.