Madaxweynaha Puntland oo si kulul uga hadlay Banaanbixii ka dhacay Garoowe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay banaanbax rabshado watay oo shalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal oo looga horjeeday diidmada lacagta Shilling Soomaaliga.

Madaxweyne Deni oo muuqaal iska soo duubay ayaa waxaa uu sheegay in banaanbixii dhacay uusan la xiriirin diidmada lacagta iyo Sarifka, hayeeshee uu ahaa mid Puntland lagu sumcad dilayo.

Waxaa uu Madaxweynaha ku eedeeyay dadkii ka dambeeyay banaanbaxaas ay ahaayeen kuwo ka faa’iidaysanaya dareenka bulshada, isla markaana dano siyaasadeed iyo arimo kale ku howlan, wuxuuna sheegay in dadkaasi maamulka yaqaano.

Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tilmaamay in banaanbixii ka dhacay Garoowe lagu soo aadiyay Shirweyne markii ugu horreeyay lagu qabanayo Magaalada, kaasi oo ka qeyb galayaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Musharaxiinta Madaxweynaha iyo xubno kale.

Deni ayaa sheegay in dadka abaabulaya banaanbaxyada ay kuwo ka xun in Puntland qaadato doorkeedii wanaagsanaa ay ku lahayd Siyaasada Soomaaliya mar walba oo ay arimo muhiim ah dhacayaana ay caado noqotay in arintaas oo kale la abaabulo.

Si kastaba Magaalada garoowe ayaa shalay waxaa ka dhacay banaanbax xoogan oo ay dhigeen dadka deegaanka, isla markaana ay uga soo horjeedeen diidmada lacagta Shilling Soomaaliga iyo Sicir barar darran oo halkaas ka jira, waxaana qaar kamid ah banaanbaxyada ay dhulka dhigeen Sawirrada Madaxweyne Saciid Deni.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media