Maamulka Puntland ayaa soo saaray go’aano Cusub oo la xiriira diidmada lacagta Shilling Soomaaliga iyo qorshe lagu yareynayo Sicir barar darran oo halkaas ka jira, kadib markii shalay Banaanbax xoogan uu ka dhacay Magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in lacagta Canshuurta ee Dekadda Magaalada Boosaaso 10% lagu qaadi doono Shilling Soomaaliga, halka 10 iyo wixii kayar aan la isugu diri karin adeega lacagta danabeysan sida SAHAL iyo E-DAHAB.
Waxaa uu sheegay Saciid Deni in Go’aankaas uu yimid kadib markii ay soo jeediyeen Guddigii arrimahaas loo saaray iyo latashiyo badan oo maamulka la sameeyay Ganacsatada iyo dadka kashaqeeya arrimaha sicirka sarifka.
“Puntland waxay go’aansatay in 10% Dekadda Boosaaso Cashuurta laga dhigo Shillin Soomaali iyo in $10 iyo wixii kayar aan la isugu diri karin adeega lacagta danabeysan sida SAHAL iyo E-DAHAB†ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Puntland ayaa uu tilmaamay in maamulkiisu ka fekerayo talaabooyin kale oo lagu xoojinayo shilinka Soomaaliga, kuwaasoo uu sheegay in maalmaha soo socda la qaadi doono marka la go’aansado.
Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo soo looga horjeeday diidmada lacagta Shiling Soomaaliga, kaasi oo ay dhigeen dadka deegaanka oo sheegay in suuqyada laga diiday Shiling Soomaaliga.