Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Xasan Xundubey Jimcaale ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaiga amniga dowladda ee u taagan sugida amniga Caasimadda.
Wasiir Xundubey oo ka hadlaayay howlaha shaqo ee Ciidanka amniga ayaa Ciidanka amniga ku tilmaamay inay yihiin Mujaahidiin oo Jihaad ku Jira, isla markaana u taagan difaaca shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu Wasiir Xasan Xundubey faray Ciidanka amniga inay sii laba jibaaran shaqada sugida amniga Magaalada Muqdisho oo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal amni darro, ayna geystaan Al-shabaab.
Ugu dambeyn Wasiir Xundubey ayaa shacabka kunool Gobolka Banaadir ugu baaqay inay wadashaqeyn la yeeshaan laamaha amniga dowladda Federaalka, ayna garab siiyaan si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro.
Hadalkaan ayuu Wasiirka amniga Xukuumadda Xundubey warbaahinta u sheegay, kadib markii uu ka qeyb galay Shir saddex maalmood socon doona oo Golaha Wasiirada Maanta uga furmay Hotel ku yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.