Roob geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka da’ay magaalada Baxdo ee gobolka galguduud.
Roobka deyrta ayaa maalmahaan ka da’ayay  qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud waxaana xalay roob xooggan oo ka da’ay magaalada Baxdo ee hoos timaada Degmada Cadaado ku dhinay Gabar yar halka ruux kale oo dhawaac kasoo gaaray, kadib markii uu hoygii ay ka degenaayeen uu ku dumay.
Ruuxa dhaawaca uu soo gaaray oo ah gabar ka ayaa lagu dabiibaa Isbitalka magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud sida uu warbaahinta uu u sheegay mid kamid ah dadkii goobjooge ahaa.