Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa in kulan aan caadi aheyn ah ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay u codeynta Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay Raรขโฌโขiisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo isugu jira xubno Cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor sii horreeysay loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan inuu jiro kulanka Golaha Shacabka, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan, si loo ansixiyo Golaha Wasiirada oo laga sugayo shaqooyin farabadan.
Maalmihii lasoo dhaafay Golaha Wasiirada magacaaban ee Raรขโฌโขiisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadanayay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyagoona ka dalbanayay inay codka kalsoonida ah siiyaan, lana shaqeeyaan.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday inay Codka kasoonida ah siiyaan Golaha Cusub, isagoona u rajeeyay in Codsigiisa la fulin doono, isla markaanaรย la ansixin doono xubnaha magacaaban.
Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Raรขโฌโขiisul Wasaare Rooble ayaa markii la ansixiyo waxaa horyaalla shaqooyin dhowr ah oo laga sugayo inay qeybtan,รย waxaana qeyb ka tahay dardar-gelinta Arrimaha Doorashada dalka ee 2020/2021 , iyagoona heysta muddo kooban, maadaama muddo xileedka Madaxda dowladda uuรย waqti yar ka harsan yahay.