Xildhibanada Golaha Shacabka Baarlaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maalinimada Berri ah in ay yeeshaan kulan, waxaana kulankaasi lagu war galiyay Xildhibaanda in ay soo xaadiraan saacaddu marka ay tahay 09:00 subaxnimo.
Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa berri Ajenduhu yahay u Codeynta Kalsooni Siinta Xubnaha Golaha Wasiiradda Magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda.
Golaha Wasiirada uu soo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Codka kalsoonida waxaa ay ka sugayaan Golaha Shacabka.
Golaha Wasiirada Magacaaban ayaa ah 27 wasiir oo uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Rooble, waxaan qayb ka ah wasiiro horay kaga tirsanaa Xukuumaddii Xasan cali Kheyre ee Baarlamanku kalsoonida kala laabteen.