Madaxdii hore ee Soomaaliya oo Nairobi ku kulmay

Madaxweynihii hore ee Soomaliya Shariif Shekh Axmed ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, waxaana Shariif Shekh Axmed uu halkaasi ka billaabay kulamo uu la leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya.

Shariif Sheikh Axmed oo dhawaanaahan ku Sugnaa Imaaraadka carabta, waxaana Kulan kiisii koobaad uu la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khyre oo ah Musharrax maadxweyne.

Labaada Mas’uul ayaa sida warar hoose ay sheegayaan waxaa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin doorashada Soo aaddan ee dalka ka dhici doonata iyo sidii ay iskaashu guud u sameyn lahaayeen.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya uu raalli galin uu kasiiyay Shariif Sheikh Axmed dhacdooyinkii soo dhexmaray intii uu xilka Ra’iisul Wasaaraha Hayay.

Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Shiikh Axmed  ayaa ah laba mas’uul oo murashixiin ah, waxaana ay u tar-tami doonaan Madaxtinimada dalka Doorashada Soo aaddan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media