Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay ayaa ka hadlay Safarkii shalay Magaalada Dhuusamareeb uu ku tegay Guddoomiye xigeenka labaad ee Golaha Mahad Cawad.
Xildhibaan Dalxa oo ka hadlaayay kulankii Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu sheegay in Guddoomiye Mahad Cabdala Cawad uusan Dhuusamareeb ku tegin Casuumaad loo soo diray, hayeeshee uu iska tegay, taasina ay tahay arrin wanaagsaneyn
“Qof aan sab laga wicin taga reer Banaadir waxay dhahaan Kalluundi, Guddoomiye ku-xigeenka kaliya ma eedeynayee annagoo dhan baa waxaa naga buuxa Kalluundiyaal siyaasadeed ah, marka aan iska deyno kalluundinimada” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in sareeynta sharciga Dalka ay ka awood badisay sarreeynta Arrimaha Siyaasadda dalka, isagoo xusay in muhiim ay tahay in la ilaaliyo sarreynta sharciga dalka.
Guddoomiye Mahad Cabdala Cawad ayaa kamid ahaa wafdigii shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u raacay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Kheyre uu halkaas uga qeyb geli doonaa Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada uga furmayo maalmaha soo socda.