Qabuuro ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta oo Arbaco Aas qaran loogu sameeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.
Aaska Marxuum Maxamed Xaashi ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Puntland, Culimo, iyo Ehelada Marxuumka.
Dhammaan Mas’uuliyada ka qeyb galay Aaska Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa waxaa ay dhamaantood tacsi u rideen Ehelada Marxuumka, sidoo kalena Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.
Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, isagoo kaalin mug leh ka soo qaatay aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyey ee hoggaamiya dowlad-goboleedkaasi.