• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, August 22, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

FALANQEYN: Maxaa Ku xeeran, Olalaha Doorashada ‘Madaxweynaha KGS?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 1, 2018
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 6 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

17-November 2014-kii,  396-(Saddex boqo,l lixdan iyo sagaal)-Ergo ayaa codkooda dhiibtay si ay u doortaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u Shararaxnaa Xilka Madaxweynaha Sedex Gobolka ayaa xiligaa helay 373-Cod.

Federaaleynta dalka oo curdin ahayd iyo Aragtida Sedexda Gobol oo mucaarado xoogan wajaheysay ayaa loo sababeyay in ergo la soo xulay ay doortaan Madaxweynaha K/Galbeed.

Waxa uu ugu horreeyay ee loo baahnaa ayaa ahaa dib-u-heshiisiin, dhameystirka maamulka-oo loo sameeyo baarlamaan iyo gole-fulineed-iyo Amniga oo astaan ay u ahayd caasimadda oo uusan maamulka tegi Karin.

Afar sano kadib iyo KGS:

Afar Sano oo uu xilka hayay Shariif Xasan Sheekh Aadan, Koonfur Galbeed waxa ay ka mid noqotay Maamul Goboleedyada Dalka kajira,haba taag darnaado maamulka’e waxaa dhismay Baarlamaan  ka kooban 149 Xildhibaan, Golihii Wasiirada iyo hay’adaha kala duwan ee Maamulkan, waloow howshii looga baahnaa aysan qabsoomin afartii sano ee ku jaango’nayd Muddo-xileedka Madaxweyne Shariif Xasan.

Dadka qaarse waa hubaal inay la dhacsan yihiin hannaanka maamulka hadda, oo aan xiriir la lahayn dowladda dhexe. Si kastase wali dadweynaha codkooda ma dhiibanayaan sabab guud awgeed taasoo ah duruufaha Amniga iyo wadiiqooyinkii wadan lagu gaari lahaa oo aan la soo diyaarin.

Maxaa ka socda Baydhaba?

Markii Ugu horeysay Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa 17-Bishan November dooran doono Hogaamiyaha Cusub ee K/Galbeed, in kabadan 10 Musharax ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay inay u taagan yihiin xilka ugu sarreeya dowlad-goboleedka.

Afarta Murshax ee ugu hadalheynta badan ayaa kala ah:-

Shariif Xasan Aadan- Madaxweynaha Waqtiga kasii dhamaanayo.

Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur- Hoggaamiye ku-xigeenkii Al-shabab.

C/casiis Lafta Gareen- Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumada Federalka.

Xuseen Cismaan Cismaan- Taliyihii NISA.

Loolanka Doorashada Koonfur Galbeed waa mid adag,marka aad si hoose u eegtidna waxaa muuqanaya in tartanka doorashada uu u dhaxeeyo labo garab.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonaya in uu iska caabiyo Musharixiin la rumeysan yahay in ay baritaareyso ama ay garab taagan tahay Xukuumada Kheyre ayaa xulafo siyaasadeed la noqday Musharixiin saameyn weyn ku leh Koonfur Galbeed.

Shariifka ayaa isbaheysi la ah Musharixiin ay kamid yihiin:

Mukhtaar Rooboow, Ibraahim Fargeeti, Aadan Saransoor  Ibraahim Macalin Nuur iyo kuwo kale.

Musharixiinta la aaminsan yahay in ay yihiin garabka gacanta ka helaya Muqdisho:

C/casiis lafta gareen. 

Xuseen Cismaan Xuseen.

Aamina Mursal. 

Hadalheynta shacabka baydhabo ayaa ah in Musharixiintan ay olole adag oo ay lacag culusna wehliso la soo galeen magaalada. Dhaqdhaqaadyada doorashadana wax weyn ayey ka badaleen inkastoo siyaasada Somali lacag qaadashadu ay dhaqan u tahay, hadane rajada Musharixiinta waa boqolkiiba konton iyaga oo cash isticmaalaya ayeysan kalsoonida xildhibaanka lagu qabi karo ahayn mid weyn.

kulamo gaar gaar ah ayey la qaateen xildhibaannada, kulankiina lacag badan ayaa lagu bixinayay taasoo ahayd ‘Billow iyo Isbarasho’.

Isku-dayga Xukuumada lagu eedeenayo ee faragalinta doorashada hadii ay sax tahay waxaa loo badaniyaa in musharixiinta taageerada Muqdisho  heysto ay guuleystaan.

Mukhtaar Rooboow:

Marka aad baydhabo joogto Mukhtaar Rooboow ayaa ah magaca carrabka dadweynaha ku soo noqnoqanaya, isagoo taageero mug leh ka heysta bulshada. Taageerada Roobow ayaa kaliya lagu mataali karaa mid uu 2009 heystay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee dowladdii KGM ahayd.

Mukhtaar oo ay dowladda dhexe mar shaki gelisay sugnaanta murashaxnimadiisa ayaa haddii uu guuleysto la rumeysan yahay inuu wax badan ka qaban doono dhinaca Amniga, wallow uusan waaya-aragnimo siyaasadeed uusan lahayn.

Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo:

Shariif Xasan Sheekh aadan Hogaamiye mudo siyaasada Somalida ku soo jiray waliba nasiib u hela guusha, iminka waxa uu wajahayaa loollan loo arki karo kii ugu adkaa ee uu abid galo, balse odayaasha iyo xildhibaanada ayaa la aamini karaa in ay jaal la yihiin taas oo iyada keeni karta in mar kale kalsoonida uu helo.

Cabdi-casiis Lafta gareen :

Oo sannadkan uun ku guuldarreystay kursiga guddoomiyaha golaha shacabka ayaa olelihiisa diiradda ku saaray inuu soo jiito dhallinyarada.

Waxaana baraha bulshada lagu arkayay dhallinyaro aad ula dhacsan murashaxan, waxa uu yahay hoggaamiye haddii uu guleysto la aaminsan yahay inuu bah la noqonayo dowladda dhexe.

Xuseen Cismaan:

Taliyihii hore ee NISA-Hay’adda Sirdoonka iyo Amaanka Qaranka-oo dhawaantan xil culus uga tegay hanashada jagada madaxweynaha ayaa la filayaa inuu isbedel la yimaado.

Aamina Mursal:

Murashaxa kaliya ee dumarka ah ayaan loo badineyn inay wareegyada dambe soo gaarto, haddiiba ay tartanto, sida laga bartay saaxada siyaasadda Soomaliya oo aysan haweenku xattaa waligood u tartamin xil madaxweyne.

Waxa ayse astaan u tahay sida dumarka ugu diyaar garoobeen hoggaaminta wadanka.

 

Si kastaba ha ahaatee,  Murashaxa ku guuleysta ayaa wajahaya Caqabado dhowr, waxaana kow ka ah Amni-darrada oo astaan u noqon karta halka maamulkiisa uu ku sii shaqeeyo maadaama magaalo-madaxda oo ah Baraawe uusan wali gaarin oo uu si KMG ah ugu shaqeeyo Baydhaba. Dhisidda kalsoonida shacabka, daadajinta maamulka dowliga ah, hagaajinta adeegyada guud iyo wax-ka-bedelidda xiriirka xun ee kala dhaxeeya dowladda federaalka ayaa ah guulaha loo baahan yahay.

W/Q:Saleymaan Raage

Previous Post

Haweeney markii ugu horreysay loo doortay madaxa maxkamadda ugu sarreysa Itoobiya

Next Post

Golaha Wasiirada Puntland oo taageeray Go’aanada Shirkii Golaha Iskaashiga

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray mashaariic laga fuliyay Galmudug.
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray mashaariic laga fuliyay Galmudug.

August 20, 2025
Waqtiga la dooranayo Guddoonka Baarlaamka Maamulka Waqooyi Barri oo la shaaciyay.
Warar

Waqtiga la dooranayo Guddoonka Baarlaamka Maamulka Waqooyi Barri oo la shaaciyay.

August 19, 2025
Madaxweyne Deni oo Isimada Sanaag iyo Haylaan Kula Kulmaya Boosaaso
Warar

Madaxweyne Deni oo Isimada Sanaag iyo Haylaan Kula Kulmaya Boosaaso

August 19, 2025
Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegtay in dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegtay in dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

August 19, 2025
Xamaas oo Aqbashay Xabbad-joojin Cusub
Caalamka

Xamaas oo Aqbashay Xabbad-joojin Cusub

August 19, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ku Tegaya Dhuusamareeb
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ku Tegaya Dhuusamareeb

August 18, 2025
Next Post

Golaha Wasiirada Puntland oo taageeray Go’aanada Shirkii Golaha Iskaashiga

From Somalia to Gaza: How the UAE Fuels Blackwater’s Shadow Wars

Former Somali PM Rooble Backs Somaliland, Warns of Federal Government’s Moves

by Liban
August 21, 2025
0

Mogadishu, Somalia – Somalia’s former Prime Minister, Mohamed Hussein Rooble, has launched a blistering critique of President Hassan Sheikh Mohamud’s...

From Somalia to Gaza: How the UAE Fuels Blackwater’s Shadow Wars

From Somalia to Gaza: How the UAE Fuels Blackwater’s Shadow Wars

by Liban
August 21, 2025
0

Abu Dhabi, UAE – What began as a notorious private military company accused of war crimes in Iraq has, under...

Xeebaha Soomaaliya waxay qani ku yihiin kheyraadka badda, balse dadka qaar weli kuma baraarugsana isticmaalka kalluunka.

Xeebaha Soomaaliya waxay qani ku yihiin kheyraadka badda, balse dadka qaar weli kuma baraarugsana isticmaalka kalluunka.

by Liban
August 21, 2025
0

Dhaqankan ayaa sii xoogaystay sanadihii u dambeeyay, balse ka hor burburkii dalka, cunista kalluunka waxay ahayd arrin ay dad badani...

Somalia’s Leader Intensifies Rhetoric Against Opposition Amid Reform Dispute

Somalia’s Leader Intensifies Rhetoric Against Opposition Amid Reform Dispute

by Liban
August 21, 2025
0

Dhuusamareeb, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has launched a scathing attack on opposition leaders, accusing them of derailing...

From Somalia to Gaza: How the UAE Fuels Blackwater’s Shadow Wars
English News

Former Somali PM Rooble Backs Somaliland, Warns of Federal Government’s Moves

August 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Somalia to Gaza: How the UAE Fuels Blackwater’s Shadow Wars
English News

From Somalia to Gaza: How the UAE Fuels Blackwater’s Shadow Wars

August 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xeebaha Soomaaliya waxay qani ku yihiin kheyraadka badda, balse dadka qaar weli kuma baraarugsana isticmaalka kalluunka.
Bilan Media

Xeebaha Soomaaliya waxay qani ku yihiin kheyraadka badda, balse dadka qaar weli kuma baraarugsana isticmaalka kalluunka.

August 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Leader Intensifies Rhetoric Against Opposition Amid Reform Dispute
English News

Somalia’s Leader Intensifies Rhetoric Against Opposition Amid Reform Dispute

August 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
The Northeast Power Struggle: Contest Between the Right Bloc and the Left Coalition
English News

The Northeast Power Struggle: Contest Between the Right Bloc and the Left Coalition

August 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
The Step That Changed Somalia’s Destiny: How Erdogan’s 2011 Visit Reshaped Relations Forever
English News

The Step That Changed Somalia’s Destiny: How Erdogan’s 2011 Visit Reshaped Relations Forever

August 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Former Somali PM Rooble Backs Somaliland, Warns of Federal Government’s Moves
  • From Somalia to Gaza: How the UAE Fuels Blackwater’s Shadow Wars
  • Xeebaha Soomaaliya waxay qani ku yihiin kheyraadka badda, balse dadka qaar weli kuma baraarugsana isticmaalka kalluunka.
  • Somalia’s Leader Intensifies Rhetoric Against Opposition Amid Reform Dispute

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00