Caasimadda dalka Uganda ee Kampala waxaa lagu xiray Wasiir u dhashay dalka Koonfurta Suudaan, kadib, markii ay Boliska bilaabeen Hawlgal ka dhan ah dadka isticmaala Shiishadda.
Ugu yaraan 17 qof oo uu ku jiro Wasiirka u dhashay Koonfurta Suudaan ayaa shalay lagu qabtay Baarar ku yaalla Kampala, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay Tubaako ku dhuuqayeen goobaha Bulshadda.
Afhayeenka Boliska ee magaalladda Kampala, Luke Owoyesigyire, waxa uu xaqiijiyey in Wasiirkaasi la xiray, inkastoo aan magaciisa la shaacinin.
Wasiirkaasi ayaa isku sheegay Boliska, kadib, markii isaga iyo dad kale lagu xiray Qeybta Boliska ee Kabalagala ee magaalladda Kampala.
Afhayeenka waxa kale oo uu tilmaamay in Eedeysanayaasha kale maanta la soo taagi doono Maxkamadda, iyagoo ku eedeysan inay iibinayeen ama ay isticmaalayeen Shiishadda oo mamnuuc ka ah dalkaasi.
Sharciga Kontoroolka Buuriga ama Tubaakadda ee dalka Uganda waxa uu dhigayaa qof lagu helo isagoo iibinaya ama ku dhex cabaya goobaha Bulshadda inuu muteysan doono Xabsi ugu yaraan hal sanno ama ganaax lacageed oo dhan 480,000 oo Shillinka Uganda amaba lagu xukumi karo xabsi iyo ganaax.
Milkiilaha Baraka lagu cabo Shiishadda waxa u umuteysan karaa Ganaax dhan 20-million oo Shillinka Uganda iyo in Laysinka Ganacsiga laga xayiro ugu yaraan 6 bilood.