Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay Hay’adda QM ugu qaabilsan Barnaamijka Cuntadda Adduunka “WFP” ku wareejiyeen lacag dhan 10 million oo Dollar, si ay ugu taageeraan dadka ku macluulsan Somalia iyo Ethiopia.
Hadal ay Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha soo dhigtay Barta ay ku leedahay Internetka ayaa lagu sheegay inay WFP kala tashan doonaan Faahfaahinta Qorshaha loogu talagalay Lacagahaasi.
Waxaana dalka Ethiopia la gaarsiin doono cunto qiimaheedu dhan tahay 8 million oo Dollar, halka dadka ku macluulsan gudaha Somalia la gaarsiin doono Raashin lagu qiimeeyey 2 million oo Dollar.
Qeybo ka mid ah dalalka Somalia iyo Ethiopia waxaka jirta Abaaro iyo Macluul aad u daran, iyadoo Malaayiin qof ay saamaysay Abaaraha iyo Macaluushaasi.
©Radio Dalsan