Madaxweynaha Tunisia Kais Saied, ayaa magacaabay Ra’isul Wasaare cusub, in ka badan labo bilood ka dib markii uu ceyriyay ra’iisul wasaarihii hore ee awooddii oo dhan gacanta ku dhigay.
Mr Saied, ayaa ku booriyay Najla Bouden oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka noqota dalka – inay si degdeg ah u soo dhisto xukuumad.
Madaxweynaha ayaa shaqada ka joojiyay baarlamaanka bishii July, isagoona dejiyay tallaabooyin u oggolaanaya inuu digreeto ku xukumo.
Falalkiisa ayaa waxaa si weyn u taageeray shacabka reer Tunisa oo aad uga xumaaday waxqabadka xisbiyadooda siyaasadeed.
Mr Saied ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaarihiisa in ay xoogga saarto dadaallada xukuumaddeeda cusub, si loo ciribtiro musuqmaasuqa.