11 jir ka qalin jebiyey US College

Wiil Indian Maraykan ah ayaa la sheegay inuu noqday wiil ka qalin jebiyey American River College in Sacranento ee dalka Maraykanka.

Wiilkaasi oo lagu magacaabo Tanishiq Abraham oo 11-jir ayaa la sheegay inuu yahay ardaygii ugu da’ yaraa ee sannadkan ka qalin hebiya American River College o oay dhigtaan 1,800 arday.

Wuxuu helay shahaadooyinka Xisaabta, Sayniska iyo barashadda Luqadaha shisheeye.

Afhayenka American Rover College , Scott Frow ayaa u sheegay Telefishinka NBC News inuu ardaygaasi noqoday kii ugu da’da yaraa.

Sanandkii hore, waxa uu Tanishiq Abraham sannadkii hore noqday midka ugu yar ee ka gudbay Dugsiga Sare.

Hooyadiisa, Taji Abrahamn ayaa sheegtay inuu  wiilkeda had iyo jeer ahaa mid soo tiigsada Fasalka.

Xigasho: NBC News

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor