Haweeney oo 65-jir ah ayaa la sheegay inay hal mar dhashay afar carruur ah, iyadoo horey u haysatay 13-kale.
Telefishinka RTL ayaa maanta shaaciyey in Hooyadaasi oo lagu magacaabo Annegrey Raunigk lagu sameeyey rimay-gacmeed, taasina ay keentay inay hal mar dhasho 4 carruur mataano ah.
Hawweneyda oo u dhalatay dalka Britain iyo saygeeda oo u dhashay daalka Raashiya ayaa horey u haystay 13 carruur ah.
Telefishinka ayaa sheegay inay haweeneydaasi xalay saddex wiil iyo hal gabadh ku dhashay Isbitaalka Berlin, waxaana la sheegay inay hooyada iyo carruurteeda caafimaad qabaan.
Haweeneydaasi ayaa la sheegay inay dhashay xilli ka horreeyey la qorsheynayey inay dhasho.
Lammaanahaasi oo dhawaan hawlgab ka noqonayo Macallinimo ayaa horey u dhashay 13 carruur, iyadoo ayeeyo u ah 7 carruur ah.
Maamaddan Annegrey Raunigk ayaa taariikh ahaan noqotay Haweeneydii ugu da’da weynd Caalamka ee da’da 65-jir hal mar ku dhashay afar carruur oo mataano ah.
Maamadan ayaa 10 sanno madaxa sare kaga qornayd Wararka Caalamka, kadib, markiii ay xilligaasi oo ay 55-jir haayd dhashay ilmaheedii 13-aad
Dhinaca kale, curudda hooyadan oo iyadan 44 jir ayaa la sheegay inay haatan xaamilo tahay, iyadoo Dhakhaatiirtu sheegeen inay afar mataano ah sidka ku wado.
Cajiib, Subxaanallaah, Bikhudratillaah !!!!
Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed