Abaalmarinta Nobel-ka ee Nabadda ee sannadka 2020 waxaa la siiyay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka gaajada.
Guddiga Nobel-ka ayaa sheegay in WFP ay u dhaqantay “sidii xoog horkacaya dedaallada looga hortagayo in gaajada loo adeegsado hub dagaal iyo isku dhac”.
Abaalmarintan ayaa qiimaheedu yahay 10m oo karoon Iswiidhish ah (£ 864,200; $ 1.1m).
Guulaystaha 101aad ee ku guuleysata abaalmarintan waxaa looga dhawaaqay machadka Nobel ee Noorweey ee Oslo.
Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay inay ahayd “daqiiqado lagu faano”.WFP waxay ku qiyaastay inay caawiso qiyaastii 97 milyan oo qof sanadkii, oo ku kala sugan 88 dal.