Xukuumadda oo ka hadashay Shirka Madaxda ee ka dhacaya Afisyooni

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay shir isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedka dalka iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo lagu dhameystirayo heshiiskii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

Wasiirka Wafaafinata Xukuumadda ee xilka sii-haya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa waxaa uu sheegay in shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ee uu ku baaqay Farmaajo uu ka dhici doono Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay go’an tahay qabashada doorashada ka dhaceysa Soomaaliya, isla markaana Shirka dhacaya la qorsheeyay in xal looga gaaro khilaafka hareeyay doorashada.

Dubbe ayaa Golaha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin Shirka la filayo in Madaxda yeeshaan, si xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada.

Shirka u uku baaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhici doona 22-ka ilaa iyo 23-ka bishaan Maarso, waxaana lagu dhameystirayaa heshiis Guddiga Farsamada ku gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, sidoo kalena lagu xalin doono caqabado jira.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada cadaadis ku saareysa inay heshiis rasmi ah ka gaaran qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya 2021.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor