Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdifataax Qaasim ayaa ka hadlay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.
Wasiir Cabdifataax Qaasim oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda Federaalka ay howlgalkii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen deegaano hoostega degmada Buulo-burte, isla markaana lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga in dagaalo kale oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan Shabaab looga qabsaday hub badan oo uu sheegay in lasoo bandhigay hubkaas.
Sidoo kale Cabdifataax Qaasim ayaa Carabka ku dhuftay in howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka ka sameeyeen Shabeellaha Dhexe ay kula wareegeen in ka badan 10 deegaan oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, isla markaana haatan ay ku joogaan Ciidanka dowladda, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Isbitaal shalay ku booqday Askar ka tirsan Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Xoogga dalka oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dagaalkii ka dhacay degmada Buula-burte.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ka dhacay dagaalo geystay khasaaro farabadan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, waxaana dhinacyada ay dagaalada ka kala sheegteen guulo.