Xukuumadda Maraykanka oo doonaysa in xabsi daa’in lagu xukmumo Buracd-baddeed Soomaali ah

Maxkamadda Federalka ee magaalladda Richmomd ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka, waxaa goor dambe oo maanta ah la soo taagi doonaan shan burcad-baddeed Soomaali ah, kuwaasi oo ku eedeysan inay weerareen Markab Dagaal oo ay Maraykanka lahaayeen.

Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay Markabkaasi ku qaldameen, iyagoo moodayey Markab Xamuul oo ay ka afduuban lahaayeen Xeebaha Somalia.

Saddex Garsoore  ayaa dhegeysan doonta dacwadda maanta la soo taagi doono Burcad-baddeedaasi.

Dacwad-oogayaasha ayaa ku eedeynayo in Garsoore Raymond Jackson qalad geli doono haddii uu xukmiyo in xabsi daa’inka tahay mid aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana tahay ciqaab aan u qalmin kiiska loo haysto Burcad-baddeedaasi.

Eedeysanayaasha waxaa horey loogu xukumay xabsi u dhexeeya 30 snno ilaa 42-sanno doorkii ay ku lahaayeen weerarkii ay ku qaadeen Markabka Dagaalka Maraykanka ee USS Ashland sannadkii 2012-kii, xilli uu Markabkaasi marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia.

Burcad-baddeeda waxay sheegeen inay ahaayeen Tahriibayaal, iyo inay xabbadda u rideen si ay Badmaaxiinta la socotay Markabka Dagaalka ee Maraykanka u soo gurmadaan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor