Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa Muqdisho kulan kula la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Kulanka dhexmaray Wasiir Cabdiraxmaan Beyle iyo James Swan ayaa waxaa ay ugu wada hadleen arrimo badan oo la xiriira horumarka dhaqaalaha dalka oo ay kamid yihiin sida deyn cafinta iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah miisaaniyadda dowladda.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada arrinsaday inta uu socday kulankooda maaliyadda ku baxeysa doorashada dalka ee muddo dhaafka noqotay, sida lagu sheegay Qoraal uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu toddobaadkan la kulmay Wasiirka Maaliyadda xilgaarsiinta, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer shuruudo ku xirtay bixinta lacagta ay ugu taleen doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxaana la sheegay in Wakiilada ay dalbeen in marka hore la dardar-geliyo qabsoomida doorashada Golaha Shacabka.