Xukuumadda Federalka ooka hadashay xaalladda Tahriibayaasha Soomaalida

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Xukuumadda Federalka Somalia,  Abdisalam Omar Hadliye ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweyne  looga hadlayey Xaalladda Siyaasad, Gancsiga iyo Horumarinta ee dalalka Bariga Dhexe, kuwa Carabta iyo Caalamka, kaasi oo  ka dhacay Caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Wasiirka waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey Dowladaha Talyaaniga iyo Malta oo uu sheegay inay Kharaj fara badan ku bixiyaan sidii loo badbaadin lahaa Tahriibayaasha Soomaalida ee ka soo baxsanayo Xag-jirnimadda iyo Dhaqaale-xumidda.

Wasiir Hadliye waxa u uqiray inay Dhallinyarradda Soomaalida soo wajahday Rajo la’aan, taasina ay kalliftay inay u soo tahriibaan dalalka Europe, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Xukuumadda Federalka ka shaqeynayso sidii loo xalin lahaa dhibaatadda Tahriibka.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Malta, Joseph Muscat  ayaa sheegay inuusan jirin hal xal  oo lagu badbaadin karo nolosha Tahriibayaasha doonyaha.

Dowladaha Midowga Europe, ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin looga hortagayo kooxaha dadka ka soo tahriibiya Xeebaha dalka Libya, kadib, markii ay boqolaal Tahriibayaal ay ku jireen kuwa Somalia ay bishii hore ku le’deen Badda Mediterrean Sea.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor