Xukun lagu riday ragga loo heysto dilkii Guddoomiyihii Degmada Hodan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo talaado ah xukun ku riday Eedeysanayaal loo heysto dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin C/raxmaan Ciise Dhaga-juun.

Dhageysiga Dacwada ragga loo heysto kiiskaan oo gaaraya 6 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda uu ku jiro Taliyihii Ciidanka Booliska degmada Howlwadaag ayaa soo martay marxalado kala duwan, iyadoona Maxkamadda ay kahor hadleen raggaas iyo Guddiga baarista kiiska.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa horey u sheegay in dilkii loo geystay Marxuum Cabdixakiin Dhaga-juun uu ahaa mid dhacay si kula kac ah, ayna ku ogaadeen baarista la sameeyay.

Sidoo kale Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukuno ku rido Eedeysanayaasha loo heysto dilkii  Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana Maxkamadda falkaas dhacay ku tilmaamtay in uusan aheyn mid ku talagal.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Taliyihii hore ee Booliska degmada Howlwadaag Gaashaanle Boolis Shuceyb Cabdi Maxamed ku riday xukun ah 5-sanno oo xabsi Ciidan, halka dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi oo baxsad ah ayaa isna lagu xukumay 5-sanno oo xabsi ah .

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa mid 2 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday eedeysanayaasha kala ah Jamaal Isaaq Cali, Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmi Kaariye Cali, kuwaasi oo dhammaantood ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda.

Si kastaba Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaga-juun ayaa 21-kii Janaayo lagu dilay, xili habeen ah Is-rasaaseyn ka dhacday meel ku dhow Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor