Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dadban Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay safar shaqo u aaday magaalada Baraawe ee Dowlad Goboleedka Konfurgalbeed.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 3 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dhici doonta Magaalada Baraawe.
Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa sheegeen in Guddigu uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee golaha shacabka Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya.
Doorashada Golaha shacabka ayaa haatan dardar xooggan ku socota, waxaana magaalooyinka ka socota doorashada, oo ay maamul Goboleedyada dalku qabanayaan, waxaana lafilayaa in lasoo gababayeyo 25ka bisha oo horay loogu heshiiyay in lagu so oaf jaro.