Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) ayaa Maanta Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Madaxda Shirkad laga leeyahay wadanka Turkiga oo qaabeysa Dhismeyaasha Magaalooyinka.
Shirkaddaan oo lagu Magacaabo DDOGA Company ayaa can ka ah Dalka Turkiga,waxaana la aas-aasay 1990,waxaana xarun u ah Magaalada Ankara,iyadoo ka shaqeysa Dhismeyaasha Wadooyinka, Tareenada, Buuxinta Gododka iyo Adeegyo kale.
Shirkadaan ayaa shantii sano ee la soo dhaafay waxaa ay sameysay ku dhawaad 1000 KM oo Labo Jibaran, waxaana ay Nashqadeyn{Mapping} ku sameysay ka badan1530KM.
Shirkadda DDOGA waxaa ay ku shaqeysaa GPRS iyadoo xoogga saarta Qorsheyaasha Magaalooyinka {City Planning}, waxeyna ka fakartaa Nolosha Dadka,Caafimaadka iyo Korontada deegaanadaasi ka jira.
Magaalada Muqdisho oo sii fideysa ayaa u baahan in ay ka Faa’ideysato Qorsheyaasha lagu Hormarinayo Magaalooyinka lamidka ah Muqdisho, iydoo uu wada hadal u socdo Shirkaddaan iyo Maamulka Gobolka Banaadir.