Shirka Golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta qabsoomay, waxaana kasoo qayb galay wasiirada Maamulkaasi.
U jeedka shirka ayaa waxaa uu aha aka hadalka arrimo dhowr ah oo horyaalla golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Shirka oo uu kasoo qayb galay Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa lagu dhaariyay xubno cusub ooka mid noqonaya Golaha Wasiirada.
Xubnaha cusub ee maanta la dhaariyay ayaa waxaa horay u magacaabay Madaxweynaha maamulkaas, waxaana la dhaariyay wasiirada cusub maanta.