Xubnihii ka harsanaa Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Maanta la Ansixiyey

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in Golaha Wakiillada ay ansixiyeen xubnihii ka harsanaa Komishanka doorashooyinka Somaliland, si aan dib u dhac dambe oo ku yimaada arrimaah doorashooyinka aan Golahooda wax looga saarin.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku baaqay in xubnahan Komishanka doorashooyinka ay si wada jir ah hawshooda u dhamaystiraan, si ay u gudda-galaan hawshii u taalay Komishanka doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa waxa uu sheegay in looga baahan yahay xubnaha komishanka doorashooyinku in ay caddaalad iyo si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka u gutaan shaqada culus ee horyaala

“Waxa aan rajaynayaa in xubnahaas Komishanka ee aynu codka siinay maanta in ay xilkooda u gudan doonaan, si waafaqsan xeerarka, shuruuda iyo dastuurka Somaliland” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo la hadlay warbaahinta.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland “waxa aynu ka filaynaa waa caddaalad iyo garsoor ay u sameeyaan dhamaan tartamayaasha iyo asxaabta ama Ururada tartami doonta.”

Khilaaf xoogan ayaa ka taagan qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxaana dhowr jeer deegaanada Maamulkaas ka dhacay bannaanbaxyo rabshado watay oo ay dhigeen dadweyne farabadan oo ay hoggaaminayeen Madaxda mucaaradka Somaliland ee kasoo hoejeeda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor