Xubnaha 15 Urur oo qoraal u gudbiyey Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland(Akhriso Qoraalka)

Shabakadda Wararka ee africafex.org ayaa qortay inay 15 Ururadda Xuquuqda Aadanaha waxay bishan June 6-dii qoraal u direen Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ay kaga codsadeen in la dhowro Xuquuqda Suxufiyiinta.

Madaxweynaha Somlailand waxaa si gaar ah loogu baaqay inuu soo farageliyo arrintaasi, si loo soo af-jaro Xadgudubyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta ka hawlgala Deegaannadda Somaliland.

Ururradda Xuquuqda Aadanaha waxay kaloo ugu baaqeen Maamulka Muuse Biixi Cabdi inay dhowraan Xorriyadda Hdaalka iyo Xuquuqda Aadanaha.

Saddexdii bilood ee la soo dhaafay , waxaa Mamaulka Somaliland lagu xiray 5 Saxafi, iyadoo 2 Telefishin albaabadda loo laabay, kadib, markii lagu eedeeyey inay tebiyeen warar ku aadan Dibadbaxyo ka dhan ah Somaliland oo ka dhacay magaalladda Laas Caanood iyo Dagaalladda Ciiddanka Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhex maray Deegaanka Tuqaraq.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media