XOGTA: Kenya oo sheegtay in la xiri doono Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab oo keliya.

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho ayaa maanta sheegay in dhamaan Qaxootiga Soomaalida dib loogu celin doono Somalia marka la gaaro bisha May ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Isagoo Tifaftirayaasha maanta kula hadlayey Hotel ku yaalla magaalladda Nairobi waxa uu tilmaamay in Dufcadda Koowaad ee Qaxootiga Soomaalida dib loogu celinayo dalkooda  bisha November ee sannadkan, iyo in daad-gureyntaasi la soo gebagebayn  doono bisha May ee sannadka soo socda.

“Xeradda Qaxootiga ee Kakuma ma saamayn doonto xirista Xeradda Dhadhaab, waayo Kakuma wax cabsi iyo dhibaato kama jiraan” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo markii Labaad si kulul u eedeeyey Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeradda Dhadhaab.

Waxa uu tilmaamay inay  Xerada Dhadhaab joogaan Unugyo Argagixiso, isla markaana ay ka jiraan Ganacsi Sharci-darro ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna  Caalamka ku wargeliyey inay Dowladiisa ka go’an tahay inaysan Qaxootiga sii joogi doonin Xerada Dhadhaab wixii ka dambeeya bisha May ee sannadka soo socda.

Sidoo kale,  waxa uu ku eedeeyey Beesha Caalamka inaysan bixinin Kharajkii ay horey u ballan-qaadeen, si loogu adeegsado Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida doonaysa inay ku laabtaan dalkooda hooyo.

“Beesha Caalamka, waxay horey u ballan qaadeen ugu yaraan 100 million oo Dollar dib-u-celinta Qaxootigaasi, laakiinse waxaa Dowladda Kenya la soo gaarsiiyey oo keliya Hal Billion oo Shilling” ayuu yiri Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Beesha Caalamka ka oggolaan doonin wax Kharaj ah  xitaa haddii ay yiraahdaan waxaan halkii qaxooti ka bixinaynaa Hal Billion oo Dollar.

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho waxa uu carrabka ku dhuftay inay doonayaan inay Qaxootiga Soomaalida dib ugu laabtaan dalkooda iyo in Danaha Qarankiisa ka sarreyso Waajibaadka Caalamiga.

Dhinaca kale, Hay’addaha Samafalka Caalamiga iyo kuwa Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay inuu Go’aanka Dowladda Kenya ka horimaanayo Waajibaadka Caalamiga ee lagu badbaadinayo Xuquuqda Qaxootiga iyo Dadka Barakacayaasha.

Hay’addaha sida kulul u cambaareeyey Go’aanka Dowladda Kenya waxaa ka mid ah: Amnesty International, Human Rights Watch, the Kenya National Human Rights Commission, Save the Children, World Vision, Oxfam, International Rescue Committee, Danish Refugee Council and the Lutheran World Federation.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor