Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maalintii labaad uu halkaa ku xiran yahay Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ah xoghayihii xafiiska ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Hay’adaha ammaanka ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin xariga mas’uulkan, hase yeeshee warar xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in Cabdiqani Yaasiin Maxamed ay ciidanka boliiska ee Hargeysa ka soo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa oo ay xidheen.
Hore ayaa dad xilal ka soo qabtay dawladda Soomaaliya waxaa loogu xiray Hargaysa, ayadoo Somaliland ay meel adag ka taagan tahay dadka xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ama ka qayb gala shirar aysan raalli ka ahayn ee yimaada magaalooyinkeeda.
Dhawaan ayey ahayd markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) loo xiray kulan dhaqameed uu uga qayb galay Puntland.
Waxaa ka sii horraysay Naciima Abwaan Qorane oo iyadana muddo ku xirnayd xabsi ku yaalla Somaliland.