Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sahminayo sidii uu u kala furfuri lahaa,loogana gudbi lahaa Waayihii Barack Obama ee loogu talagalay in looga hortego dhimashadda dadka Rayidka kala kulmaan Duqeymaha Diyaaradaha Drones-ka.
Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Seattle Times ayaa qoray inuu Madaxweyne Trump dib u eegayo Hawlgalladda Komaandooska Maraykanka ka wadaan Dalalka ay Dagaalladda ka jiraan sida Afganistan iyo Iraq.
Mar sii horreysay Madaxweyne Trump waxa uu Ballanqaad siiyey Codsi ay Waaxda Difaaca Maraykanka “The Pentagon†ku iclaamiyeen inay qeybo ka mid ah 3 Gobal oo ka mid ah Yeman yihiin Deegaano ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo dagaal.
Donald Trump waxaa kaloo la filayaa inuu dhawaan sida ugu dhaqsaha badan u saxiixo Codsi kale oo ay Pentagon-ka ku doonayaan in qeybo ka mid ah Somalia loo aqoonsado goobo-dagaal muddo 180-maalmood.
Saxiixaasi waxa uu meesha ka saarayaa caqabadaha hor taagnaa Duqeymaha iyo Hawlgalladda lagu beegsanayo dadka looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab ee xiriirka la leeh Ururka Alqaacida, waa sida lagu qoray Wargeyska The Seattle Times.
Saraakiisha Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykankja ayaa rumeysan inuu Sharcigaasi tijaabo u noqon karo haddii ay Dowladda garwaaqsan doonto Sharcigii Madaxweynihii hore ee Obama ee sida KMG loogu xadiday dueymaha laga fuliyo qeybo ka mid ah Somalia iyo Yemen.
Tallaabadda uu Maamulka Donald Trump uu ku furayo in Awood Milliteri la isticmaalo waxay dhalin kartaa khasaaro ballarn oo soo gaara Dadka Rayidka ah, gaar ahaan dalalka Muslimka.
Maamulka Madaxweyna Trump waxay kaloo isku tijaabinayaan sidii loo kordhin lahaa Kharajka Milliteeriga, loona yarayn lahaa Taageeradd Dibedda iyo Miisaaaniyadda Waaxda Arrimah Dibedda ee Maraykanka.
Xigasho: The Seattle Times
©Radio Dalsan