Xilliga uu Baydhabo ka furmayo Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo la shaaciyey

Guddiga farsamada ee qaabilsan Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday xilliga rasmiga ah ee Shirweynaha uu ka furmayo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Guddiga farsamo ee Shirka oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in Shirweynaha looga arrinsan doono xal u helida khilaafka ka taagan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Baydhabo furmayo 16-ka bishan Janaayo.

Guddoomiyaha Guddiga farsamada Yuusuf Xasan Isaaq ayaa sheegay in shirka ay kasoo qeyb geli doonaan siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Maamulka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka oo shirka lagu casuumay, si xal looga gaaro khilaafka taagan.

Sidoo kale Guddiga ayaa wakiilada Beesha caalamka iyo cid kasta oo loo diray casuumaada shirkaasi waxay ka dalbadeen iney deg deg u gaaraan magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed uu daah-furi doono Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku sugan Baydhabo, isagoona halkaas ka wada kulamo hordhac u ah shirka dib u heshiisiinta deegaanada Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor