Xilka qaadis lagu sameeyay gudoomiyihii deegaanka Bursaalax

Xasan Maxamed Khaliif Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa Xilkii ka qaaday gudoomiyihii deegnka Bursaalax ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug C/raxmaan C/laahi Maxamuud ( Afdheere ).

Sababt xilka ka qaadista ayaa lagu sheegay gudasho la’aan wajibaadkiisa Shaqo xili gudoomiyaha Gobolka mudug uu booqday deegaankaas balse uu ka waayay gudoomiyaha bursaalax taas oo keentay in xilka laga qaado.

Gudoomiyaha Gobolka mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa si KMG, ah ugu magacaabay xilkaas C/raxmaan C/laahi Maxamuud gudoomiyaha deegaanka Bursaalax isagoo horay xilkaas mar u soo qabtay.

Xilka qaadistaan ayaa lagu sheegay in ay timid kadib markii Shacabka deegaanka Bursaalax u soo gudbiyeen gudoomiyaha Gobolka Mudug iyagoona dalabday in la keeno qof wax u qabanaya Bulshada deegaanka Bursaalax

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media