Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho kulan deg deg ah ku yeeshay xubnaha Guddiyada Joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxana looga hadlay ajandayaasha horyaala kalfadhiga bishan December,maadaama dhowr kulan uu baaqday.
Inta uu kulanka socday,waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday caqbadihii sababay in mudo ka badan 10 Cisho ay hakad ku jiraan kulamadii Baarlamaanka taas oo sabab u aheyd Warqadii uu Guddiga Maaliyadda ku kala diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka wallow taasi aan weli Go’aan rasmi ah laga gaarain.
Gudoomiye Mursal ayaa Xubnaha Guddiyada u sheegay in arrinta kala dirida Guddiga Maaliyadda Golaha uu si deg deg ah u horkeeni doono Golaha,isla markaana si Dastuuri ah loogu kala bix doono.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa lagu Go’aamiyay in ay Malinta berito ah dib u bilaawdaan Kulamadii Baarlamaanka,isla markaana Maalinta Beri ah uu jiro kulanka Golaha Ajandahana uu yahay akhrinta 3aad hindise sharciyeedka liilitirka,sida ku xusan Farriimo qoraal ah oo loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka.