Xildhibaano ku shiray Xarunta Villa Hargeysa oo Go’aano soo saaray

Maanta waxaa Xarunta Vilal Haregysa ee Magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay tiro Xildhibano ah oo badankooda taageersan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxa ay uga hadlayeen sida laga yeelayo mooshinka Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ay ka gudbiyeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,iyada oo mooshinkas uu noqday mid ay ku kala qeybsameen xildhibaanada GolahaShacabka.

Intii uu kulanka socday xildhibaanada qaar iyo xubno ka socday Gudiga joogtada Golaha Shacabka ayaa halkaasi ka hadlay kuwaas oo sheegayay in mooshinkaas uusan aheyn mid ansax ah maadaama tiradii loo baahnaa la waayay.

Mudo ka badan laba saac markii uu kulanka socday ayaa xili uu hadal jeedinayay xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa waxaa bilaawday buuq iyo fowdo taas oo keentay in Go’aan rami ah laga soo saari waayo Kulanka.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ay Go’aamiyay in 25 Mudane ay iska soo xulaan kuwaas oo wadahadalo la furaya Garabka kale ee xildhibaanada ah ee sheegaya in uu sharci yahay mooshinka ay ka keeneen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xiisada ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa weli taagan,waxana xildhibaanada qaarkood ay ku eedeynayaan in ay dabada ka riixeyso Xukuumadda Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media