shir lagu qabtay magaalada muqdisho oo ay isugu yimaadeen xidhibaano katirsan baarlamanka federalka ah ee soomaaliya iyo qaar kamid ah duubabka kasoojeeda goboladda Hiiraan Shabeelaha dhexe iyo Banaadir ayaa looga hadlay sida ugu haboon ee ergooyinka reer hiiraan ee ka baxay shirka jowhar iyo maamulkoodaba loogu qancin lahaa inay shirkaas dib ugusoo laabtaan
dhinaca xildhibaanada arinkan isku xilsaaray ayaa waxaa hogaaminaya xildhibaan maxamad ibraahim shiiraar dhanka duubabka dhaqankana waxaa hogaaminaya iimaam maxamad yuusuf cali
ergooyikii gobolka hiiraan ayaa saameyn kuyeeshay hab socodka shirka maamul usameynta labada gobol ee kasocda magaalada jowhar waxaana mas uuliyiintani ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada muqdisho uga bilaabayaan wadahadalo ay la yeelanayaan madaxda dhinacyada dhaqanka iyo siyaasada ee bulshada reer hiiraan ee kusugan xamar hadii ay dantu ku qasabtana ay ilaa baladweyne usafrayaan
ergadan duubabka iyo xildhibaanada isugujirta ayaa waxay intaa kudareen inaysan marnaba ka suurtagalin walaalahooda reer hiiraan oo shirka kamaqan in ay iyagu gogosha kaligood galaan sidaasi daraadeedna ay ka dalbanayaan in madasha ay wada tagaan kana tashadaan aayaha labada gobol iyo shacabka kunool.