Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka oo loogu baaqay inay u doodaan Xuquuqda Beelaha la duudsiyey.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim “Goodir” oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamaanka Federalka Somalia ayaa shaaciyey inay jiraan Qabaa’ilo badan oo ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed oo aan weligooda xubno ku yeelanin Golaayasha Qaranka, gaar ahaan Barlamaanka.

Xildhibaanka oo Wareysi Khaas ah  siiyey Radio Dalsan ayaa tilmaamay inay jiraan Qabaa’ilo badan oo aan wax saami ah ku yeelanin Dowladihii iyo Maamulladii ka dhismay dalka tan iyo wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladnimadda ee sannadkii 1991-kii.

 

Waxa uu sheegay inay Beelaha laga duudsiyey Xuquuqdii Aasaasiga ee ay lahaayeen dacwado u soo gudbiyeen 65 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Federalka oo ay ka codsadeen in Xuquuqdooda loo soo dhiciyo, maadaama ay yihiin Beelo Nabadeed oo aan Xoog ku raadinaynin Xuquuqdooda.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim “Goodir” waxa uu intaasu ku daray in Beelaha Xuquuqdooda duudsiyeen Beelihii Hubeysnaa ee ay ka dhasheen ama ay Deegaan-wadaagga yihiin, kuwaasi oo ahaa beelaha Hubeysan ee Hamigooda Siyasaadeed ku raadsaday Awood Maleeshiyo.

Xildhibaan Goodir waxa uu xusay inay Cabashadda Beelaha Xuquuqdooda la dudsiiyey inay afka furteen, kadib, markii lagu hungoobay inay dalka ka dhacaan Doorashooyin Dimuqraadi oo Hal Cod iyo Hal Qof ah.

Waxa uu rajo ka bixiyey inay dadaal xooggan u geli doonaan sidii ay Beelahaasi u heli lahaayeen Saamiga ay ku leeyihiin Barlamaanka iyo Dowladda cusub ee la soo dooran doono dabayaaqadda sannadkan.

Waa markii ugu horreeysay ee ay Beelaha aan Hubeysan oo xaqooda la duusiyey qeylo-dhaan ka keenaaan aamusnaantooda soo taxnayd 25-kii sanno ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor