Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 29-ka bisha September 2018, kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah sii wadista dooda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka kaas oo loo balan sanaa in laga doodo balse Arbacadii uu u baaqday kooram la’aan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo diray fariimo lagu ogeeysiinayo in Maanta oo Sabti ah uu kulanka Baarlamaanka jiro,isla markaana ay ka soo qeyb galaan.
Kulankii baaqday Maalintii Arbacada aheyd ayaa waxaa goobta laga shaaciyey Magacyada xildhibaanada maqan,iyada oo digniin loo diray.
Ajandaha Maanta ee ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka ayaa doodiisu waxa ay bilaabatay Maalintii Sabtida aheyd ee todobaadkii hore,iyada oo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu xildhibaanada ku booriyey inay soo akhristaan.